M/D Shariif’ Ciidamada qalabka sida ee geesiyayaasha ah yaan Marna la siyaasadeyn in ay ku laabtaan xarumahoodii.

0
437

Madaxweynihii hore ee dowladi ku meel-gaarka shariif sheikh axmed aya bartiisa fecbook kuso qoray inu soo dhaweynaayo heshiiskii laga gaaray rabshadihii kadhashay mudo kororsigii sharci darada ahaa ee sababay in lagu dagaalamo magaalada caasimada ee muqdisho

Qoraalkiisa aya u qornaa sidan

 

Waxaan soo dhaweynahaa heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhashay muddo kordhintii sharci darrada ahayd, anigoo codkayga ku biirinaya in ciidamada qalabka sida ee geesiyayaasha aan marna la siyaasadeyn oo ay ku laabtaan xarumahoodii.

Waxaan kaloo bogaadinayaa dadaalada Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Xil-Gaarsiinta, iyadoo aan ka rajeyneyno in heshiis laga gaaro doorashooyinka iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 September.

Waxaan ku celinaynaa markale in gacmaha la isku qabsado sidii looga gudbi lahaa marxaladdan adag ee kala guurka, iyadoo wax kasta lagu bixinayo dib uheshiin, isqancin iyo isku tanaasul.

Waxaan u mahad celinayaa guddiyadii kasoo shaqeeyey heshiiska iyo saraakiishii badbaadiyay dalka, maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe, iyo sidoo kalena saaxiibada caalamka ee waqtiga ku bixiyay in lagu laabto heshiiskii 17 September 2020.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here