Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo loo magacaabay Cabdiwahaab Ugaas

0
323

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa lagu bedelay Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar oo iska diiday xilkaas, markii laga soo wareejiyay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

C/wahaab Ugaas ayaa horay u soo noqday Ra’iisul Wasaaare Kuxigeen iyo Wasiirka Ganacsiga dowladdii Kumee gaarka aheyd, gaar ahaan Xukuumaddii C/weli Gaas.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here