Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa mar labaad diiday in uu la kulmo wafdiga dhax dhaxaadinta ee ka socda dalka Qatar, kuwaas oo maalmahan Muqdisho u jooga xal u helidda arrimaha doorashada Soomaaliya,
Xog; laga helaayo ayaa sheegaya in Sheekh Shariif, oo laba habeen ka hor ka cudur daartay kulankii Midowga Musharaxiinta iyo wafdiga Qatar, aya mar kale diiday codsi labaad oo ka yimid wafdiga Qatar oo ahaa inay si gaar ah ula kulmaam.
Wararka laga helaayo ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in Soomaaliya ay dambiyo ka galeen dalalka, Itoobiya, Eritrea iyo Qatar, halka Turkiga uu sheegay in taageeradii ay siisaydowlada Soomaaliya si qaldan loo adeegsaday.
Wafdiga Qatar ayaa la sheegay in si weyn ay u daneynayaan kulanka Murashax madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ay u arkaan hoggaamiyaha ugu awoodda badan mucaaradka, sababtoo ah waa guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta, sidoo kalena ciidamada ku sugan Muqdisho ee Badbaado Qaran ayaa badankood ah beesha uu kaso jeedo