Ra’iisul Wasaare Roobe ayaa magacaabay Guddi Farsamo ka soo tala bixiya xal ka gaarista khalaalisihii ka dhacay Muqdisho
Guddigan ayaa isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano, oo ka kala socda Xukuumadda iyo Mucaaradka.
Magaalada Muqdisho ayaa qeybo ka mid ah waxaa ku sugan ciidamo aan ka amarqaadan dowlada iyadoo deegaano badan ay haatan ciidamadaasi ka taliyaan.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowaan ku baaqay in ciidamadaasi ay dib ugu laabtaan xarumahooda,hase yeeshee saraakiisha hogaaminaysa ciidamadan ayaa ka soo horjeestey.
Ciidamada ka soo horjeestey dowlada ayaa waxaa ay dhowaan magacaabeen saraakiil hogaamisa kuwaasoo ka kooban 7 sarkaal oo isugu jira Generaalo iyo Korneelo.
Halkan hoose ka aqriso guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble;