Qaar ka mid ah culimada magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la ilaaliyo xasilloonida magaalada, islamarkaana loo baahan yahay in dadka lagu soo celiyo guryahooda.
Toddobaadkii tegay ayaa waxaa magaalada ka dhacay iska hor-imaadyo hubeysan oo dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa kale oo isla dowladda ka tirsan balse diiday muddo kordhintii golaha shacabka uu sameeyey.