Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Amar siiyay laamaha Amniga

0
310

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed( laftaagreen)  oo Galabta kormeer amni ku tegay Baraha Koontorool ay Ciidamada Ammaanka ka sugaan Amniga Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Amniga Magaalada uu yahay mid wanaagsan.

Laftaagreen oo Warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in Ciidamada Ammaanka Magaalada Baydhabo ay wadaan qorshooyin lagu sugayo amniga Magaalada, taasina ay sababtay in Bulshada Magalada ay si amni ah ku soomaan Bishan Barakeeysan ee Ramaan.

Waxaa uu faray laamaha Amniga Magaalada Baydhabo inay dardar geliyaan howlaha sugida Amniga Magaalada Baydhabo, isla markaana saraakiisha iyo Ciidamada lagu abaal marin doono Shaqada ay Bulsahda u hayaan.

Kormeerka uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed( laftaagreen)   ku tegay Baraha Koontorool ee Magaalada Baydhabo ayaa daba socday xilli xalay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Magaalada Baydhabo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here