Faah Faahin imaamyo Soomaali ah oo Lagudilay Dalka Mareykanka

0
30

Magaalada Kansas City ee dalka Mareykanka ayaa waxaa habeenkii xalay lagu dilay laba Wiil oo Muwaadiniin Soomaali Mareykan ah, kuwaasi oo Salaada taraawiixda ka tujiyay Masjid lagu magacaabo Al-Taqwa ee ku yaalla Magaalada oo ay imaamyo ka ahaayeen
Labada Wiil oo isla socday kana soo baxay Masjidka ayaa waxaa Wiil kale oo ay walaalo ahaayeen kana weynaa uu si bareer ah u toogtay, xili ay geli rabeen gurigooda, iyagoona isla goobta ku geeriyoday, sida aan wararka ku helnay.
Dad Soomaali ah oo ku sugan Mareykanka ayaa ku warramay in Wiil kale oo isna ahaa Muwaadin Soomaali Mareykan, xaafidul Qur’aan oo da’diisa lagu sheegay 16 sanno jir oo salaadii Maqrib ka tujiyay Masjidka Al-Taqwa uu dilay Nin cadaan ah.
Falalkaas dhacay kadib ayaa waxaa la xiray Caawa Masjidka Al-Taqwa, waxaana goobta ay dilalka ka dhaceen laga qaaday Meydadka Muwaadiniinta Soomaalida ah, iyadoona dadka aad uga naxeen markii ay maqleen dhacdadaan.
Magaalada Kansas City ee dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in 10 sanno kahor siyaabo kala duwan loogu dilay hooyada iyo aabaha dhalay Wiilashada Soomaalida ahaa ee isla dhashay, kuwaasi oo u dilay walaalkood ka weynaa.
Labada Wiil oo da’doodu kala aheyd 14 iyo 15 sanno jir ayaa ahaa xaafidul Qur’aan, kuwaasi oo Salaada taraawiixda Bisha ramadaan ka tujinaayay Masjid lagu magacaabo Al-Taqwa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here