Midowga Mushraaxiinta oo digniin u diray Golaha Shacabka baaqna u jeediyay R/W Rooble

0
312

 

Midowga Musharaxiinta ayaa uga digay guddoonka Golaha shacabka ee muddo xileedkiisa dhamaaday inay qaadaan tallaabooyin lagu dibindaabinayo xasilloonida iyo geeddi socodka doorashooyinka dalka sidii dhacday 12 April iyaga iyo tiro Xildhibaano ay u qaateen go’aan sharci darro ah oo dalka u horseeday qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

War Saxaafadeed ay soo saareen Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale waxa ay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu si buuxda ula wareego hoggaanka doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka, taasoo ay sheegeen in tallaabadan ay sahleyso dib u mideynta iyo kalsooni dhiska ciidanka qalabka sida ee u kala qeybsamay diidmada muddo kororsiga sharci darada ah.

Halkan ka aqriso War Saxaafadeedka

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here