Xilli ay socdaan dadaallo ku aaddan sidii miiska wadahadalka dib loogu celin lahaa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa durba muuqanaya caqabado hor istaagi kara tallaaba noocaas ah.
Maalmihii lasoo dhaafayba waxaa isasoo taraya baaqyada ku aaddan in xal laga gaaro hirgalinta doorashada Soomaaliya, meeshana laga saaro muddo kordhinta loo sameeyay xukuumadda.
Laakiin waxaa jirta cabsi ku aaddan in khilaafka uu wali halkiisa kasii socdo.
Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Jubaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo maanta ka qeyb galay barnaamijka doodda Jimcada ee BBC-da ayaa caddeeyay in dhankooda aysan qorshaha ugu jirin ka qeyb galidda shirka lagu baaqayo.
Mar la weydiiyay in Jubaland ay ka qeyb galeyso haddii uu madaxweyne Farmaajo shir ugu yeero, ayuu ku jawaabay: “Maya, kama soo qayb galeyno, horayna nooguma yeerin, markii ugu dambeysay ee uu noo yeerayna waa taan diidnay, mana u aqoonsanin inuu madaxweyne yahay, waqtigiisuna wuu dhammaaday, sidii looga soo qeyb galayay ee beesha caalamku noogu wada yeereysay haloo wada yimaado.” Maamul goboleedka Puntland ayaa dhawaan iyagana sheegay in ay shuruudo ku cirayaan ka qeyb galka shirka wadatashiga.
Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa sheegay in shirka uu Farmaajo ku baaqay aysan tegayn illaa inta ay martiqaad ka helayaan Beesha Caalamka.
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan yeelanaya maalinta Sabtida ee barito, waxaana la filayaa in uu khudbad ka jeediyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu baarlamaanka ka codsado sidii dib loogu noqon lahaa heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii bishii September, Golaha Shacabkuna ay ka aqbalaan arrintaas, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibi oo horay usoo noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeen.