Mareykanka’ Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha iyo Baarlamanka in ay si deg-deg ah uga laabtaan go’aankii Muddo kordhinta’

0
292

 

 

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay la socoto ballanqaadkii Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabduulaahi Farmaajo, ee 28 Abriil, kaas oo ahaa in uu dib ugu laaban doono heshiiskii doorashada ee 17-kii September, isla markaana uu si dhakhso leh dib u bilaabayo wadahadalkii dowladda Federaalka iyo Dowlad goballeedyada.

Mareykanka ayaa ugu baaqay madaxweynaha iyo Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya in si dhaqso ah ay uga laabtaan go’aankii 12- Abriil ee muddo kordhinta.

“Waxaan ku bogaadineynaa raysal wasaare Rooble iyo madaxda maamullada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, sidii ay u diideen muddo kordhinta,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay dowladda Maraykanka

Warka qoraalka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, waxaa sidoo kale lagu yiri: “Waxaan ugu baaqaynaa madaxda Qaranka iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya, in ay si degdeg ah u kulmaan si loo dhameystiro hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay loona qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha, sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii Sebtember ee dhinacyadu isla gaareen”.

Waxaa qoraalka ku xusan in ay muhiim tahay in dhamaan hoggaamiyaasha ay dhinac iska dhigaan kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee u dhaxeeysa iyo inay danta ummadda Soomaaliyeed uga wada hadlaan si daacad ah iyagoon ku xireynin wax shuruud ah isuna tanaasulaya.

Sidoo kale ciidamada amniga ee Soomaaliya iyo dhammaan kooxaha kale ee hubeysan ayaa loogu baaqay in ay fursad siiyaan dib u bilaabashada wadahadallada siyaasadeed iyagoo meesha ka saaraya dhaqdhaqaayada ciidan iyo cagajugleynta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here