Libaax baxsad ah oo laba qof ku dhaawacay Magaalada Hargeysa

0
338

 

 

 Ciidamada booliska Somaliland ayaa goordhoweyd soo saaray digniin la xiriirta Libaax ka baxsaday Beer lagu xanaaneyn jiray, kaasi oo dhaawac ka geystay gudaha magaalada Hargeysa.

Ciidanka ayaa bulshada Somaliland, gaar ahaan dadweynaha ku nool caasimada Hargeysa uga digay inay ka feejignaadan halista Libaaxaas, isla markaana ay soo wargeliyaan laamaha amaanka si dib loogu celiyo Beerta Xayawaanka ee Waran Cade, oo uu markii hore kasoo fakaday.

“Wargelin: Ciidanka Booliska Somaliland waxay ku wargalinayaan Bulshada somaliland gaar ahaan Caasimada in uu baxsaday mid ka mid ah Libaaxyadii ku Xaraysnaa Beerta Xayawaanka Ee Waran Cade. Hadaba waxaanu bulshada uga digaynaa in ay ka feejignadaan Libaxaasi Baxsadka ah isla markaana cidii aragtaa ay la soo socdsiiso Ciidamada Booliska,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Libaaxa baxsadka ah ayaa dhaawac ugu geystay xaafada New Hargeysa labo qof oo shacab ah, sida ay dad deegaanka ay  sheegen

 

Ciidamada booliska Somaliland ayaa weli baadi-goob xoogan  ugu jira sidii Libaaxaas gacanta loogu soo dhigi lahaa, ayada oo cabsi hor leh soo food saartay shacabka magaalada Hargeysa.

Libaaxa baxsadka ah ayaa waxa uu kamid ahaa Libaaxyo ku xareysnaa Beerta Xayawaanka ee Waran Cade, oo uu leeyahay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here