Maxamed Bin Salmaan oo raadinaya inuu xiriir fiican la yeesho Iiraan

0
382

 

 

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan ayaa sheegay in dowladdiisu ay dooneyso “xiriir wanaagsan” oo kala dhaxeeya dalka ay sida weyn isaga soo hor jeedaan ee Iiraan.

Amiirka ayaa telefishinka Al Carabiya u sheegay in waddankiisa uu u baahan yahay Iiraan si ay uga caawiso horumarinta gobolka Bariga Dhexe.

Laakiin wuxuu hoosta ka xariiqay in Sacuudiga uu dhibaato ku qabo “ficillada dhinaca khaldan u jiheysan ee Iiraan”, isagoo tusaale ka dhigay barnaamijkeeda nuclear-ka, gantaallada ay riddo iyo caawinaadda ay siiso “mintidiinta la mamnuucay”.

Wuxuu intaas ku daray in Sacuudiga uu kala shaqeynayo dalalka ay xulafada yihiin ee gobolka iyo caalamka “sidii xal loogu celi lahaa dhibaatooyinkaas”.

Hadalka amiirka ayaa yimid maalmo kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in saraakiil sar sare oo ka kala socda Sacuudiga iyo Iiraan ay yeesheen wadahadallo qarsoodi ah oo ka dhacay dalka Ciraaq, kuwaasoo ay ku doonayeen in ay dib ugu soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeedd.

Saraakiil dhinaca Sacuudiga ah ayaa beeniyay wararkaas. Laakiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ma aysan xaqiijinin mana aysan beeninin, waxayna taas baddalkeeda sheegtay in “mar walba ay soo dhaweynayaan wadaxaajood”.

Sacuudi Carabiya oo isu aragta inay tahay dalka hoggaamiya awoodda muslimiinta Suniyiinta ah iyo Iiraan oo ah waddanka ugu weyn dalalka Shiicada Muslimiinta ah ayuu khilaaf ka dhaxeeyaa muddo tobannaan sano ah.

Laakiin sannadihii ugu dambeeyay, cadaawaddooda waxaa sii xoojiyay dagaallo ay labada dhinac kala taageeraan oo ka socda qeybo ka mid ah Bariga Dhexe.

Dhinaca Yemen, Isbahaysi uu hoggaaminayo Sacuudiga oo u badan dalalka Suniyiinta Carabta ayaa taageeraya xoogagga dowladda taabacsan ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta ay Iiraan xulafada yihiin tan iyo sanadkii 2015-kii.

Dowladda Iiraan way beenisay in ay hub siisay xoogagga xuutiyiinta oo sare u qaaday weerarradooda gantaallada iyo diyaaradaha uusan duuliyaha wadin ee ay ku bartilmaameedsadaan magaalooyinka Sacuudiga iyo warshadaha saliidda soo saara.

Sacuudiga ayaa Iiraan ku eedeeyay in ay farogalin ku heyso arrimaha gudaha ee dalalka Lubnaan iyo Ciraaq, waxaana waddamadaas saameyn ku leh kooxo Shiico ah oo ay Iiraan taageerto. Waxaa kale oo ay ku eedeysay in Iiraan ay ka dambeysay weerarro lala eegtay warshadaha saliidda Sacuudiga sanadkii 2019-kii.

Intaas waxaa dheer, boqortooyada Sacuudiga waxay kasoo hor jeedsatay heshiis sanadkii 2015-kii lagu galay in la xakameeyo barnaamijka nuclear-ka Iiraan, waxayna taageertay go’aankii uu saddex sano ka hor madaxweyihii Mareyknaka Donald Trump uga baxay heshiiskaas dibna loogu soo celiyay cunaqabateyntii dhaqaale ee saarneyd Iiraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here