Jabuuti oo ka jawaabtay eedeynta dowlada Soomaaliya u jeedisay

0
308

Dowladda Jabuuti ayaa ka jawaabaty eedayn ay dhawaan dolwadda federaalka Soomaaliya u jeedisay taas oo la xirirtay in Jabuuti ay galaangal ku lahed bayaankii ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga afrika, bayaankaas oo uu goluhu ku cambaareeyay muddo korarsiga haydaha dowladda federaalka.

Jabuuti ayaa haddaba sheegtay in ay ku mowqif tahay Golahha Nabadda iyo Ammaanka ee midowga, isla markaana dano siyaasadeed laga leeyahay eeda dowladda Soomaaliya ay u soo jeedisay.

Wasiirka warfaafinta ee Jabuuti, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay: “Jabuuti waxa ay aad uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeeray wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, isagoo Jabuuti ka been abuuray, Jabuuti waa dal taariikh ahaan u muujinaya taageero walaaltinimo oo joogta ah Soomaaliya,”

Waxa uu wasiirku intaasi ku daray: “Jabuuti waxa ay dedaal ku bixisay nadaynta iyo dib u heshiisiinta, shirkii Carta oo la ogyahay natiijadii ka soo baxday oo ay Soomaaliya ka dhaxashay inay dib u soo ceshato kursigii ay ku laheyd Qaramada Midoobay kaddib sanado badan oo ay ka maqnayd.”
Dowladda Jabuuti ayaa dhanka kale hadalka dowladda Soomaaliya ku sheegtay in dano siyaasadeed uun laga leeyahay, haatanse ay tahay in doorasho sidii loo qaban lahaa laga shaqeeyo.

“Eedaymaha noocan oo kale ah ee Soomaaliya ay jeedinayso waa dano siyaasadeed, waxaana waqtigan muhiim ah inay madaxda siyaasadeed ay hal ujeedo lahaadaan, taas oo ah, inay si degdeg ah uga heshiiyaan qorshaha doorasho lagu kalsoonaan karo oo wagtigeeda ku dhacda si loo xoojiyo nabadda, xasiloonnida iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.”

Khamiistii ayey aheyd markii dowladda Soomaaliya ay wadammada Kenya iyo Jabuuti ku eedaysay inay wadaan olole ka dhan ah oo ay sheegtay inay ka dhex wadaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.
Dowladdu waxa ay waqtigaas sheegtay inay hayso xog xasaasi ah oo xaqiijinaysa in labadaas dal ay soo jeedinayaan qodobo ay doonayaan in lagu daro bayaanka uu guddigaas soo saari rabay maalintaas.
Dhanka kale, dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay ku mowqif tahay bayaankii uu soo saaray Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.

“Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mowqifka ay qaateen waxa uu ahaa in laga baaqsado waxkasta oo carqaladaynaya xasiloonnida Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Bahdoon.

Wasiirka warfaafhinta ee Jabuuti ayaa dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya waxa ay ugu baaqday in miiska wadahalka ay dib ugu laabtaan.

“Jabuuti waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay ka waantoobaan hadallada rabshadaha dhicin kara, oo ay la yimaadaan is-aqbalaad iyo dulqaad, isla markaana ay ku soo bandhigaan aragtidooda iyo waxyaabaha ay kala tabanayaan albaabka u furan oo ah dib u heshiisiin.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here