Dowlada Soomaaliya oo ku biirtey Heshiiska ARC

0
320

Dowlada Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa magaalada Adis Ababa ku kala saxiixday Heshiis Dowladda Soomaaliya ay uga mid noqoneyso Wadamada Afrika ee awoodda u leh yareynta Khataraha musiibooyinka (African Risk Capacity).

Heshiiskaan waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriiye .

Soomaaliya ayaa noqoneysa waddankii 35-aad ee qeyb ka noqda , waana dalkii u horeeyey ee sannadkaan 2021ka kusoo biiray (ARC).

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriiye ayaa inta ay booqashada ku joogto dalka Ethiopia waxa ay la kulantay mas’uuliyin ka tirsan xukuumada Ethiopia.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here