Banaanbax looga soo horjeedo Farmaajo oo caawa ka dhacay Muqdisho

0
330

 

Banaanbaxyo looga horjeedo muddo kororsiga Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa ka bilowday aaga Mirinaayada ee degmada Cabdicasiis isagoo ku fidey qeybo ka mid ah degmada Kaaraan.

Banaanbaxa oo bilowday afurka kadib ayaa socday muddo saacado ah waxana dadka dibed-baxaya ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku cabirayaan shacuurtooda ku aadan diidmada muddo kororsiga.

Waxaa dadweynaha dibada baxaya socod ka soo bilaabeen Isgoyska Mirinaayada, iyagoo sii maray Isgoyska Sanca, Jardiinka illaa Siinaay.

“Farmaajo ha dhaco, mudo kororsi dooni meyno, Farmaajo dooni meyno Kaligi-taliye dooni meyno” ayaa ka mid ah erayadii ay ku dhawaaqayeen dadka banaanaxa dhigayay waxana ay wateen boorar iyo sawiro.

Magaalada Muqdisho oo weli ay ka jirto cabsi la xiriirta in dagaal uu markale ka qarxo iyadoo dad badana ay ka barakaceen magaalada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here