Iska hor-imaadyo ciidan oo ka dhacay agagaarka KM4 ee Muqdisho

0
390

 

 

ayaa isku dhac kale laga soo sheegay magaalada Muqdisho. Isku dhacan ayaa u dhexeeyey ciidamada dawladda iyo xoogag kale oo kasoo horjeeda waxaana uu ka dhacay nawaaxiga KM4.

Goobjoogayaal ku sugnaa goobta ayaa  sheegaya   inay arkeen ciidamada dawladda iyo xoogga kasoo horjeeda ee  dhinaca mucaaradka dawladda oo is weydaarsanaya rasaas fudud iyo baasuukayaal.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay isku dhacyada oo maanta ka dhacay Muqdishu oo  laga soo sheegay Sanca, Mariina iyo KM4.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay in hoygiisa lasoo weeraray. Ilaa hada majirto cid  si madax banaan u xaqiijin karto arrintaas uu sheegay C C warsame

Dhinaca kale Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa ugu baaqay dhinacyada inay mujiyaan dulqaad, waxaana uu sheegay in loo baahan in la ilaaliyo hay’adaha dawladnimada iyo wadahadallada.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga ee dawladda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa beeniyey in ciidamada dawladdu ay weerareen madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiir Xundubey waxa uu sheegay in ciidamada dawladdu ay ilaalinayeen madaxweynihii hore tan iyo intii uu xilka ka degay sannadkii 2017. Waxa uu sheegay inaysan sinaba suurtogal u ahayn inay ciidamadu weerareen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here