Sawiro:-Qalalaase Ka Dhacay Gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho

0
49

faah faafinno dheeraad ah ayaa laga helayaa qalalaase saaka ka dhacay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana tan iyo saaka la baahinayay warar kala duwan oo ku aaddan dhacdadani, waxaana la helay Sawiro muuinaya sida ay wax u dhaceen, kuwwasi oo lagu baahiyay baraha bulshadu ku xiriirto.

Sawirro laga helay qalalaasaha  ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa muujinaya burbur ka muuqda qaybo ka mid ah garoonka, waxaana la sheegay in in gacan ka hadal uu dhexmaray dharcad hubeysan oo ka tirsan nabadsugidda iyo hawlwadeenno ka tirsan immigration ka, gaar ahaan qeybta duullimaadyada caalamiga ah.

wararku waxaa ay intaa ku darayaan in Ciidanka gudaha u galay xaruunta ay   bistoolado ku garaceen shaqaalihii goobta ka shaqaynayay, waxaana wararku tilmaamayaan in gacan ka hadal uu meesha ka dhacay, inkastoo aysan jirin ilaa iyo hadda cid ka hadashay haddana waxaa la sheegay in Ciidanka Goobta tagay ay jejebiyeen qalabkii lagu shaqeynayey.

si kastaba warar maanta la baahiyay ayaa sheegayay in Garoonka diyaaradaha qaybo ka mid ah ay ka jirtay xaalad kacsanaan ah oo u dhexeysay sida la shegay Ciidanka Dowladda iyo shaqaalaha Imigrationka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here