Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay dalka Pakistan

0
42

Gaar walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday hotel kuwa raaxada ah oo ku yaalla magaalada Quetta ee dalka Pakistaa ayaa waxaa ku dhintay 4 qof.

Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale uu dhaawac ka soo gaaray 11 qof.

Safiirka Shiinaha u fadhiya dalka Pakistan ayaa la tuhunsan yahay in qaraxan lagula beegsaday meel gawaarida la dhigto oo ku taalla huteelka, sida ay wariyayaasha sheegeen.

Safiirka ayaa waxaa uu ku sugnaa magaalada Quetta, ee caasimadda gobolka Balochistan ee ku Taalla xudduuda Afqanistaan, balse markii uu qaraxa dhacayay goobta kuma sugnayn.

Taalibaaniyiinta dalka Pakistaan ayaa sheegtay masuuliyada weerarkan iyaga oo aan wax faahfaahin ah bixin.

Bilooyiinkii u dambeeyay kooxdan iyo kooxaha kale ee mintidiinta ayaa waxay sare u qaadeen weerarada ka dhaca goobaha ay dagan yihiin qabaa’ilada ee xudduuda Pakistan iyo Afqaanistaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here