Golaha Amniga Iyo Nabadda ee Midowga Afrika oo War kasoo Saaray Muddo Kordhinta Farmaajo

0
47

 

 

Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa war kasoo saaray go’aankii golaha shacabka Barlamaanka federaalka Soomaaliya ay muddo kordhinta ugu sameeyen Madaxweyne Maxamed  Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, kaasi oo dhawaan uu saxiixay sharci ayna meel mariyeen Xildhibaanada Aqalka hoose, kaasi oo muddo labo sano ah oo muddo kordhin loogu sameynayo Farmaajo.

Gololaha oo maanta shir ka yeeshay Xaaladda Siysaadeed ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay talaabadaasi, waxaana ay ku tilmaameen mid sharciga balmarsan oo xiligaan dalka galin karta qal-qal siyaasadeed iyo khilaaf hor leh. Sidoo kale waxaa walaac qoto dheer Goluhu ka muujiyey saameynta ay ku yeelan karto xaalada siyaasadeed ee haatan jirta iyo jawiga ay ku yeelan karto isku xirnaanshaha federaalka Soomaaliya, midnimada ciidamada Soomaaliya iyo laamaha amniga, hanaanka abuuritaanka xoog iyo awooda lagu sii wadi karo hoos u dhigista Al Shabaab.

“Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika wuxuu walaac weyn a muujinayaa tallaabada kelida ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya uu ku dhaqaaqay 12-kii Abriil 2021, ee ku saabsanaa meel marinta qaraar uu saxiixay Madaxweynaha 13-kii Abriil 2021-kii, kaasoo meesha ka saaraya heshiiskii 17-kii Sebtember-2020 ee qaababka loo marayo qabashada doorashooyinka Soomaaliya” ayaa lagu yiri Bayaanka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here