Dowlada Sweden oo Bilaabeysa Sharciga Cusub ee Laanta Socdaalka

0
43

 

 

Sharciga cusub ee Sweden ee ku saabsan socdaalka wuxuu dhibaato ku abuurayaa hey’adda laanta socdaalka.

Sida Hay’ada Socdaalka ay shaacisay Sharciga ayaa ah mid lagu badalayo sharciga ku meel gaarka ee hada jira kaasi oo laga dhigayo mid rasmi ah oo qofka uu helayo Deganaansho rasmi ah.

Sharciga cusub ayaa loo qorsheeyay inuu dhaqan galo 20-ka July, laakiin dhab ahaan sida uu u ekaan doono wali ma cadda. Waxaan jeclaan laheyn aragti fog maxaa yeelay waqti aad u yar ayaa jira oo wax laga qabanayo isbadalada balaaran ee loo baahan yahay in la sameeyo.

Xaqiiqdii waa mid caqabad ku ah maamulka, ”ayey tiri Nathalie Källström, oo isku dubarideysa dadaallada hey’adda ee ku aaddan sharciga cusub.

Sharciga Cusub ayaa ah mid isbadal badan uu sameenayo marka la eego midka hada jira lakin laanta Socdaalka ayaa arintaasi ku jahwareersan waxana la filayaa 20 july iyo sida sharciga uu u muuqan doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here