Markii ugu horreysay, Ka dib taariikhda xisbiga ee 40 sano jirsaday, German Greens wuxuu ku dhawaaqay haweeneyda musharraxa ah ku mayalaysa doorashada Hoggaamiyaha Jarmalka.
Waxay noqoneysaa taariikh siman oo ku xiran doorka adag ee Greens ay ka ciyaari doonaan doorashada guud ee bisha September oo xilka ay ku baneyneyso Angela Merkel.
Isniintii, Xisbiga wuxuu shaaciyay in Annalena Baerbock, oo 40 sano jir ah, ay noqoneyso qofka ay filayaan in xilka ay kala wareegto Angela Merkel, ka dib doorashada September. Ms Baerbock waxaa la saadaalinayaa in ay noqoto haweeneyda keli ah ee doorashada qeybta ka ah.
Inkastoo mar laga dhex arkay qalalaaso iyo fadeexado soo wajahay xisbiga, hadda waxaa la rajeynayaa in Greens ay qeyb wayn ka noqdaan dowladda soo socota.
Xisbiga talada haya, waxaa weli ka dhex taagan khilaaf la xiriira qofka musharraxa u noqonaya, balse xisbiga Green waxaa suuragal ah in uu helo isbaheysi cusub oo aad u ballaaran. Taas waxay noqon kartaa in Annalena Baerbock ay noqoto hoggaamiyaha Jarmalka.
Waxaa la billaabay in la barbardhigo haweenka da’da yar ee hoggaaminaya dalalka New Zealand iyo Finland.
Baerbock waxay dhalatay sannadkii 1980-kii, waa xilliga la aasaasay xisbiga ay hadda ka tirsan tahay ee Greens. Waxay waalidkeeda xilligaas u qaadeen fagaare uu ka dhacayay dibadbax ka dhan ahaa nukliyeerka.
Waxay nolosheeda ku qeexday biyaha iyo sunta lagu ridayay dibadbaxayaasha iyo macmacaankii ay guriga ka cuneysay ka dib isu soo baxa. Isku dhafka nolosha qoys dabaqadda dhexe ah oo uu matalo xisbiga Green ka maanta, ayey ka timid, taana waxayna sharaxeysaa dalabka ballaaran ee xilligan.
Sida lagu ogaaday ra’yi uruurin la sameeyay, xisbigeeda wuxuu haystaa 22% boqolkiiba codadka doorashada, waana xisbiga ku xiga midka Merkel ee CDU/CSU.
Xisbiga muxaafidka ah wuxuu hoos uga soo dhacay qiyaasta codadkii uu heli lahaa oo ahayd boqolkiiba 40%. Waxaa saadaashaas la sameeyay xilligii Jarmalka uu sida wanaagsan ula dagaallamayay xanuunka Covid-19.
Hadda waxay saadaasha tahay boqolkiiba 29%. Waxaa jiro sadaalo kale oo lagu sheegay in xisbiga talada haya uu ka sii hooseeyo qiyaastaas. Wax yar ayeyna ka koreeyaan xisbiga The Greens.
Xisbiga Bidix-dhexe ee SPD, wuxuu dhex wareeganayay kaalinta seddaxaad ee 10-20%. Halka axsaabta kale oo dhan ay ka hooseeyaan boqolkiiba 10%.
Xisbiga talada haya waxaa xaaladda ku sii xumeynaya khilaafka gudahooda ah ee ku saabsan qofka ku matalaya doorashada soo socota.
Ragga ka tirsan xisbigaas ayaa midba kan kale ku haysta kursiga, waxayna u hardamayaan awoodda jarmalka, balse Greens waxay si deggan oo wanaagsan ugu xusheen haweeneyda ugu sarreysa in ay doorashada ku matasho.
Sida la mid ah qaabka uu Ruushka u dhaqmo, dhammaan sirtooda ayey keydiyeen illaa Isniintii oo ay ku dhawaaqeen musharraxooda.
Hoggaanka cusub ee Green waxay dejiyeen xeerar iyo shuruuc ilaaliyana anshaxa iyo aadaabta xisbiga, waxayna aad ugu bahan yihiin awoodda.
Xisbigan ayaa isbedel wayn sameeyay, mana ahan mid u dhaqma sidii hore. Green waxaa lagu garan jiray xisbi fowdo iyo qeylo badan, halka Muxaafidiinta kale ay ahaayeen kuwa deggan oo anshaxa dhowra.
Muuqaallo hore oo TV-yada laga baahiyay waxay muujinayeen in Xisbiga Green ay u dhaqmi jireen sida ardey dugsi sare oo meel la isugu keenay oo isku dhex yaacsan. Shirarkoodana way qeylo iyo buuq badnaayeen.
Xisbiga waxaa muddo ku loolamayay dad xaqiiqada eega oo isbedel doon ah iyo kuwa mayil adag oo tanaasulka u arkayay khiyaano iyo iibsashada xisbiga.
Markii ugu horreysay ee Xisbiga Green uu isbeheysi talada haya ku biiro waxay ahayd 1998. Waxay qeyb ka noqdeen isbeheysigii uu horkacayay xisbiga SPD. Waxaa xilligaa la siiyay wasiirka arrimaha dibadda.
Sikastaba, khilaafka ka dhex taagnaa xisbiga Green wuxuu soo jiray tobannaan sano, xaaladdana way ku xumeyd.
Balse isbedelka iyo guusha hoggaanka oo ay ka mid yihiin guddoomiyeyaal gobollo oo awood leh, ayaa sababtay in Green uu noqdo mid si lataaban karo u howlgala.