Dowladda oo sheegtay in ay dishay madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee Shabeellaha dhexe

0
393

 

 

Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaannada hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degaananda ku teedsan wadada xiririisa Magaaloyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Guutada 3-aad Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka gaashaanle Sare Abshir Maxamuud Maxamed Shataqeey ayaa sheegay in Howlgal lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, kaas oo dhowr jeer weeraro qaraxyo ah ka geystay Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta dowladda waxaa uu sheegay in Ciidamada ay ku guulerysteen in ay howlgalka ku dilaan madaxii  qaraxyada Gobolka Shabeellaha dhexe u qaabilsanaa  Al-Shabaab iyo mid kamid ah ilaaladiisa, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen laba kale.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Ciidamada ay howlgalka sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka xaqiijinayaan amniga wadada xiririisa Magaaloyinka Balcad iyo Jowhar oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan Al-Shabaab.

wadada xiririisa Magaaloyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan meel u dhow Tuulada Gololeey ayaa waxaa ka dhacay qarax ay ku dhinteen 17 qof oo shacab ah oo ay miino kula kacday iyagoo la socday gaari Hoomeey ah iyo qarax miino oo shalay lagu dilay  Korneyl Yaasiin Cabdi Tooxoow oo ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Somaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here