Ciidamada xoogga dalka oo howlgal qorsheysan kafuliyay Gobalka Hiiraan

0
43

Taliska Guutada 5aad qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa hawlgallo ka sameeyey degaanada Baar, Jaambeyroow, iyo Caloolacad, oo dhinaca Galbeed  kaxiga Magaalada Baladweyn ee Gobolka Hiiraan

Hawgalkan uu hoggaaminayey Taliyaha Guutada 5ad QB.27aa Ciidanka Dhulka XDS ayaa jeedkiisu ahaa sidii looga hortegi lahaa Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro geysta, waxaana la sheegay in la Burburiyay goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 5aad qeybta 27aad ee Ciidanka Dhulka ayaa sheegay in Ciidanku ay guri guri u baareen guryihii ku yaalay degaankaas, isla markaana Ciidamada ay burburoyeen goob ay Al-Shabaab ku farsamayn jireen walxaha qarxa

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah hawlgallo  ka dhan ah Al-Shabaab oo weli ka socda Deegaanada Gobolka Hiiraan, si loo xaqiijiyo amniga degaannadaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here