Ciidamo katirsan millatariga soomaaliya oo watay gaadiidka dagaalka aya miini nooca dhulka lgu aaso kula qaraxday Deegaanka gololeey oo katirsan degmada balcad ee gobalka sh/dhexe qaraxan aya waxa ku dhaawacmay Labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka kadib markii gaari ay saarnaayeen miino kula qaraxday inta u dhexeya tuulada gololeey iyo deegaanka Qalimowoo kawada tirsan degmada balcad ee gobolka Shabeellah dhexe.
Saraakiishan ayaa saarnaa baabuurta loo yaqaan Cabdi Bilaha ee ay ciidamada isticmaalaan waxaana soo gaaray dhaawac fudud sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya.
saraakiisha dhaawacantayaya magacyadooda lagu sheegay Yaasiin Cabdi Tooxow iyo Nuur Dheere, xilliga ay dhaawacmayeen ay ku sii jeedeen gaadiid ay Al Shabaab ku gubeen meel ku dhow deegaanka Gololeyoo katirsan degmada balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Labo gaadiid oo nooca xamuulka ah ayay gubeen dagaalamayaasha Alshabaab iyadoo gaadiidkaana ay ku soo jeedeen magaalada Muqdisho.
Wadada u dhexeysa degmooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa ah waddo maristeedu ay halis noqotay,waxaana labo maalin kahor ay miino kula qaraxday gaari bas iyadoo ay ku dhinteen illaa 19 ruux oo shacab ah.