Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Maanta kulan ku yeeshay Golaha wasiirada Maamlkaas, iyada oo uu shir guddoomiyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Shirka waxaa looga hadlay xaaladda dalku marayo, iyada oo Madaxweynaha uu kulamo la qaadan doono Baarlamaanka, Ururada Bulshada, Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani ayaa sheegay in kulamadaasi iyo latashi kadib ay Puntland soo saari doontaa Moqifkeeda ku aadan tallaabadii sharci darada ahayd ee Aqalka hoose ee Baarlamaanka DFS ee wakhtigiisu dhammaaday uu muddo kordhin marsaday Madaxweyne wakhtigu ka dhacay, oo doorasho inuu qabto ku fashilmay, Shirkii ugu danbeeyay ee arrimaha doorashadana fashiliyey oo hadana raba inuu xoog ku joogo kursiga.