Tallaalka Labaad ee Cudurka COVID-19 oo Maanta Ka Bilowday Muqdisho

0
48

 

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa maantay si rasmi ah u daah furtay Tallaalka SINOPHARM ee Dawladda China ugu deeqday Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Tallaalka SINOPHARM ayaa ka mid ah Tallaalada ka hortaga Caabuqa COVID-19  ayaa maalmo kahor soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoona Maanta si rasmi ah Caasimadda looga bilaabay qaadashadiisa.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Axmad Xuseen Macalin iyo Safiirka dawladda China u fadhiya Soomaliya Qin Jian,  ayaa maantay si rasmi ah u qaatay Tallaaka ka hortaga COVID-19.

Sidoo kale Tallaalka labaad ee dalka la keenay ayaa waxaa qaatay Tallaalka qaar ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradda arimaha Dibadda iyo shaqaalaha ka hawlagala Safaaradda Shiinaha.

Wasiir ku-xigeenka Waasaradda Caafimaadka ayaa u jeediyay Dawlada China mahadcelin balaaran oo ku aadan sida Dawladda Shiinaha ay ugarab taagantahay Dawladda Soomaaliya iyo gacanta weyn ay ka geesteen sidii looga hortagi lahaa cudurka safmarka ah ee COVID-19.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here