Rooble oo laamaha Amniga kala hadlay adkeynta Amniga Bisha Ramadaan

0
331

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay adkeynta amniga inta lagu jiro bisha Ramadan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya Ra’iisul Wasaaraha ayaa Warbixin ka dhageysatay dhanka amniga ka dhageystay taliyeyaasha Ciidamada, iyaga oo kaga hadlay hwlgallada socda iyo xaalada BISHA barakeysan ee Ramadaan.

Rooble ayaa ku amray taliyeyaasha inay dardar geliyan howlaha amniga dalka gaar ahaan Magaalada muqdisho, isla markaana ay wadashqeyn la yeeshaan Shacbaka si ay ugala Shaqeeyaan sugida Amniga.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ujeedkiisu ahaa sidii Ciidamada dowladda ay u muujin lahaayeen feejignaan dhanka Amniga ah maadaama Al-Shabaab ay weerarada kordhiyaan Bisha Ramadaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here