Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle State Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa umadda Soomaliyed ugu hambalyeeyay Bilashada bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Guudlaawe ayaa u qornaa sida tan:
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hambalyo ku aaddan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan u direy dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay is cafiyaan isna kaalmeeyaan fadliga bishaan barakeysan ee Ramadaan.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii u duceeyay Umadda Soomaaliyeed, isagoo Ilaahay uga baryay inuu ka aqbalo soonka iyo cibaadada bishan barakeysan ee Ramadaan, kuwooda xanuunsana uu Ilaahay ka dul qaado cadurrada.