Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo weli ku sugan Magaalada muqdisho ayaa waxaa ay Maanta Xerada Xalane ee Magaalada muqdisho kula kulmeen qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka.
Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland waxaa ay Wakiilada Beesha Caalamka u sheegeen in aanay ogeyn shir fashilmay, kadib markii Xukuumadda Soomaaliya shalay ay sheegtay in shirkii Afisiyooni uu ka socon waayay Deni & Axmed Madoobe.
Sidoo kale Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa ay beeniyeen inay jiran shuruudo Cusub oo ay dowladdu sheegtay inay shirka ku xireen, isla markaana wali taagan yihiin aragtidoodi hore ee shirka bilowgiisa, iayaga oo Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen in aanu doorasho rabin.
Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa dhankoda sheegay inay dhinaca kale ee dowladda Federaalka la kulmi doonan, iyagoo marka ay uruuriyaan fikiradaha dhinacyada kala duwan la wadaagi doonaan dalalkooda.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa ay weli wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay kulamadii sii wadaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida si loo qabto doorasho loo dhan yahay.