Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay saaka waaberigii weerareen bar koontarool oo ku taal deegaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahaday.
Weerarkan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen labo askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo bartaas koontarool ku sugnaa.
Iska horimaad kooban oo ka dhacay halkaas kadib ayay dagaalamayaashii weeraray waxaa ay la wareegeen barta koontarool.
Hase yeeshee markii dambe ayay isaga baxeen Alshabaab bartaas koontarool, Bartamihii bishii hore ayay dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab weerar ku qaadeen degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe iyagoo saacado haystey halkaas.