Madaxweyne Deni oo sheegay in Muuqaalka dowladdu baahisay ee Wasiir Dubbe horay loo duubay

0
383

 

 

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa faah-faahin ka bixiyey shirkii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee magaalada Muqdisho oo natiijo la’aan kusoo idlaaday.

Fashilka shirka ayaa wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe waxa uu ku eedeeyey madaxda Jubaland iyo Puntland, oo uu sheegay “inaysan rabin” in dalka ay doorasho ka dhacdo.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo wareysi siiyay idaacadda VOA ayaa sheegay in qoraalka iyo muuqaalka dowladda sii deysay uu ahaa wax horay u diyaarsanaa, isagoo tilmaamay inay cadahay in dowladda aysan rabin shirka looga hadlayo sidii dalka doorasho loo wada dhan yahay loo qaban lahaa.

Waxaa uu sheegay wixii maanta dhacay in ay yihiin tusaalaha in la doonaayo in la afduubto doorashada.

“Waxaa layaab leh maanta oo dhan waa shireynay, dhowr maalmood ka horna waa shireynay waxaase cadaatay qoraalka iyo muuqaalka ay sii deysay dowladda uu ahaa mid horay u diyaarsanaa, Wasiirka maanta hadlay dabcan wuu nala joogay maanta dharka uu watay iyo kii codka ku qabtay kii uu watay maaha, wax sii diyaarsanaa oo loogu tala galay in ummadda Soomaaliyeed lagu marin habaabiyo, mas’uuliyadeeda cida howshaas qabatay ayaa qaadi doonta”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here