Puntland iyo Jubbaland oo warbaahinta la hadlay goordhow ayaa sheegay in uusan fashilmin shirkii Afisyooni.
Labada maamul sida ay sheegeen sida ay wax noqdeen sababteeda uu leeyahay madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Farmaajo oo sida ay sheegayn diidday inuu wareejiyo awoodda maamul.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Timacade ayaa sheegay in shirka uu sii socon doono balse Farmaajo uu caan ku yahay in uu cararo.
” Anagu shir xirmay kama war heyno, Farmaajo isagaa raba inuu shirka ka cararo sidii dhuusamareeb”ayaa yiri Wasiir Timacade.
Waxaa kaloo uu tilmaamay in Farmaajo uusan ogoleyn jiho sax ah oo doorashada dalka loo aado uuna doonaayo doorasho hal dhinac ah.