Safiirka Soomaaliya u jooga Dalka Qatar ayaa Maanta oo Isniin ah kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo Tababar u jooga dalkaas.
Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u jooga dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) oo uu wehliyo uqeybsanaa arimaha Ciidanka Ee Safaaradda General Maxbuub Xasan Cabaade ayaa kulan waxa ay la qaateen Saraakiil ka tirsan CXDS oo Tababar aqoon kororsi ah u joogay Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Dooxa Ee Caasimadda Dalka Qatar.
Saraakiishan oo Tababarka soo dhamestay ayaa dhawaan ku soo noqon doonna Gudaha Soomaaliya, uyaga oo ka qeyb qaadan doona dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab