Wasiir Beyle: Waxaa naga go’an in-aan hormarino wax soo saarka dadkeena

0
337

 

 

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Abdi Sheikh oo ay ka wada hadleeyn dar-dargalinta dakhliga qeybaha Isgaarsiinta dalka.

“Waxa aan maanta kulan muhiim ah Xafiiskayga kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Abdi Sheikh oo aan ka wada hadalnay dar-dargelinta dakhliga qeybaha Isgaarsiinta dalka, Waxaana naga go’an in aan horumarino wax soo saarka iyo fikradaha cusub ee wax tarka u leh dadkeena iyo dalkeena”. ayuu yiri Wasiir Beileh

Sidookale Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah u leeyihiin isku xirka bulshada Hey’adaha Isgaarsiinta dalka  kobcinta dhaqaalaha iyo sare uqaadidda Dakhliga gudaha.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here