Barasaabka Gobalka Cali Roba ayaa sheegay in aafada ku soo fool leh la iska ilaalin doono oo kaliya hadii dhamaan ka -hawlgalayaasha horumarka ay u soo gurmadaan gobolka.
Uguyaraan 200,000 oo qof ayaa aad ugu baahan gargaar cunno oo ku baahsan gobolka.
Xaaladda abaarta ee ka jirta kown-tiga Mandheera ayaa ka sii daraysa, ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Cali Roba.
Guddoomiyaha ayaa ka digay in haddii aysan dowladda qaranka iyo dadka wanaag-doonka ah ay tallaabo u qaadin si loo badbaadiyo xaaladda, in maamulkiisu uusan awood u yeelan karin maaraynta xaaladaas
“Waxaan ka faa’iideysanayaa fursadan ugu horeyn si aan uga codsado caawinaad iyo taageero dowladda qaranka waxaana ka codsanayaa ka hawlgalayaasha horumarinta iyo dadka wanaaga jecel inay noo soo gurmadaan oo ay ka hortagaan masiibadan bani’aadan-nimo ee ku soo food leh isbeddelka cimilada,” ayuu yiriCali Roba.
Sida laga soo xigtay madaxa couwn-tiga, degmada Mandheera waxaa soo food saartay cunno yari ba’an. Waxa uu sheegay in musiibadan soo socota la iska ilaalin doono oo keliya haddii dhammaan loo wada- guntado & ka hawlgalayaasha horumarka ay si dhaqso leh ugu soo gurmadaan gobolka.
Ugu yaraan 200,000 oo qof ayaa aad ugu baahan gargaar cunno gaarsiinta guud ahaan gobolka taasoo la micno ah in xaalada ay saameysay boqolkiiba 30 tirada guud ee dadweynaha sida ay sheegtay Hay’ada Maareynta Abaaraha ee Qaranka (NDMA).
“Waxaan ku jirnaa xaalad cakiran kadib markii roobabkii yaraa ee bilaha Oktoobar-Disembar ay ka hooseeyeen celcelis ahaan Mandheera,” ayuu yiri Mr Hussein Mohamed, Agaasimaha Gobolka, NDMA
Gudoomiyaha ayaa sheegay in maamulkiisa uusan awood u laheen in uu la qabsado baahida weyn ee dhanka biyaha ah ee ay qabaan dadka degan deegaanada ugu daran.
“Xaaladdu waa mid aad u xun dowladduna ma xamili karto baahida biyaha, quudinta xoolaha iyo raashinka qoysaska nugul iyo bulshada” ayuu yiri.
“Waxaan u baahan nahay caawinaad deg deg ah xaga raashinka, quudinta xoolaha iyo nafaqeynta iyo biyo dhaaminta meelaha fidsan ee ka tirsan gobolka,” ayuu raaciyay.