Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dib u furtay qaadashada baasaboorka Soomaaliga oo dhawaan la joojiyay sababo la xariira cudurka Karoonaha.
War kasoo baxay hay’adda Socdaalka ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay ilaalinta talaabooyinka hortagga cudurka Karoonaha sidoo kalena la dhimay dadkii maalinkii imaan jiray xarunta.