Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle oo safar ku tagay degmada Warsheekh

0
395

 

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta safar dhulka ah ku tagay degmada xeebta ku taal ee Warshkeekh ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Socdaalka Madaxweynaha Hishabelle ku tagay Warsheekh ayaa waxaa ku wehliya Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Hirshabeelle, iyadoo ay ku soo dhoweeyeen degmada Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo golaha deegaanka Warsheekh.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo todobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa safarkiisa Warsheekh la xiriira ka qeyb galka munaasabad lagu dhameystirayo heshiis nabadeed oo laga dhex dhex waday beelo walaalo ah oo horay ugu dagaalamay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa dhagax dhigay iskuul ay ku wax baranayaan dadka ku nool degmada Warsheekh, waxaana iskuulka laga dhisayaa xeebta degmada.

Inta uu ku sugan yahay Madaxweynaha Hirshabelle degmada Warsheekh waxaa uu la kulmi doonaa maamulka deegaanka, qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu uga dhageysto warbixino la xiriira xaaladaha amni iyo mida deegaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here