Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray dalka Qatar

0
322

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga  xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa gaaray Magaalada Doxa ee wadanka Qatar, halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa ku soo Dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Dooxa ee Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji oo muddo kooban ku sugnaa garoonka Hamnad International Airport  ee magaalada Dooxa.

Kulan ayaa waxaa Gudaha Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Qatar ku wada qaatay Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) & Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya uu Wehliyo u qeybsanaha arimaha Ciidanka ee Safaaradda General Maxbuub Xasan Cabaade.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga  xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan gelisay dib-u-dhiska Ciidanka ,dalal kala duwan oo Qatar ay ka mid tahayna kaga mahadcelinayaan Mashaariicda horumarineed iyo midda amni ee Soomaaliya ay ka fulinayaan,

Safiirka Soomaaliya Danjire Cabdirsaaq Taano dhiciisa uga war bixiyey Wasiirka Xaaladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qatar iyo soodhawaynta wanaagsan ee ay helaan dowladda Qatar, dawlad ahaan iyo shacab ahaanba.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga  xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan saacadaha soo socda uu la qaato Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here