Hadal jeedin ku saabsaneyd “Sare u qaadidda Wacyiga Siyaasaddeed ee dhallinyarada xisbiga
” ayaa gelinkii dambe ee maanta wuxuu Prof.
xarunta dhexe ee xisbiga UPD ugu jeediyay qaar ka mid ah dhallinyarada xisbiga oo isugu jiray wiilal iyo gabdho, ayadoona hadal jeedintan ay goobjoog ka ahaayeen Xog-hayaha Baahinta iyo Diiwaan-gelinta xisbiga Sh.
Yussuf Hussein Jim’ale Madaale
, hogaamiyaha Kutlada labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya ee xisbiga UPD xildhibaan Zakariye Gaashaan, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.
Profka ayaa hadal jeedintiisa diirada ku saaray marxaladihii ay soo martay dowladdnimada Soomaaliya iyo dowladnimada ay ummadda Soomaaliyeed u baahan yihiin si loo helo dowladnimo ku dhisan sharci iyo isla xisaabtan.
Kulankan ayaa qeyb ka ahaa kulamada uu xisbiga UPD ku dhiiro gelinayo dhallinyarada oo 75% ka ah bulshada Soomaaliyeed, si ay ugu dhiiradaan in ay doorkooda ka qaataan siyaasadda dalka, una istaagaan helida dowladnimo shuruuc adag ku dhisan.