Waxaa maanta Magalada Dhusamareeb ee Caasimad Galmudug gaaray wafdi uu Hoggaaminayo, madaxda iskuxirka arimaha gargargarka somalia ahna Kuxigeenka madaxa qaramada midoobay ee Soomaaliya Adam Abdul mowla iyo u qaabilsanaha hey’addaha Caafimaadka aduunka ee Soomaaliya Dr Malik.
Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb waxaa wafdigan ku qaabiley Wasiiro ka tirsan Galmudug sida Wasiirka Caafimaadka Dr. Abdiwali Abdulahi Jaamac, madaxda Wasaaradda Gargaarka iyo Mas’uuliyiin kale.
Wafdigan waxaa Dhusamareeb ku qaabilay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Wasiirka Caafimadka iyo Wasiiro kale oo ka tirsan Galmudug.
Wafdigan ayaa si rasmi ah u daah furay Mashruuc Hey’adda Caafimaadka aduunka ay Isbitaalka Xanaano ee Dhuusamareeb kaga hirgalisey nidaam koronto oo Tamarta qoraxda u badalaya awood dab keydin oo suuragalisey in isbitaalku helo dab ku filan.
Sidoo kale waxay gobjoog u ahayeen Daahfurka Tallaalka Covid19 ee Galmudug oo lagu bilaabay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Dahir Eid iyo Gudomiyaha Barlamanka Gacal.