Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya Kate foster ayaa soo dhoweysay dadaalada xalka looga gaarayo Arimaha doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo ka socda Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Qoraal ay ku daabacday Barta ay ku leedahay twitter-ka ayaa waxaa ay sidoo kale ku dhiiri-gelisay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada in ay sii wadaan wada hadalada iyadoo laga Duulayo heshiiskii 17 September.
Wakiilada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay wadeen dadaalo al xiriira sidii xal looga gaari lahaa khlaafka doorashooyinka Soomaaliya.