Soomaali dibadbaxyo ka dhigay dalka Indonesia

0
46

Soomaalida degen waddanka Indonesia ayaa dibadbax ku sameeyey xarunta hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ee magaalada Jakarta ee caasimadda dalkaas.

Soomaalida ayaa ka cabanaya arrimo ay ka mid yihiin in dalalka qaar ee reer galbeedka ay u ogolaadeen dib-u-dejin balse kadib kiisaskooda aan dib loo eegin, iyo in laga goostay ama laga yareey lacag kaalmo ah oo la siin jiray.

Soomaalidan ayaa dibad-baxyada waday muddo toddobaadyo ah, hase yeeshee waxaa lagu warramayaa inay sii yaraanayeen maalmihii tegay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here