Kulan u socdo Madaxda Dowlad Goboleedyada & Wakiilada Beesha Caalamka

0
317

Madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maalintii saddexaad Shir uga socdo Muqdisho ayaa kulan la leh Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ah  Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kuwaas oo dhamaantood maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa kulankooda uga hadlaya xal u helida marxaladda dalku marayo gaar ahaan arrimaha la xiriira Doorashada iyo sidoo kale qabsoomida Shirweynaha Madaxda dowladda & Dowlad Goboleedyada.

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa sidoo kale shirkooda waxaa la filayaa in uu ku biiro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here