Kaluumeysato Ajaanib laga soo qabtay Badda Soomaliya oo lagu Maxkamadeeyay Gobolka Mudug

0
446

 

Maxkamadda gobolka Mudug ee dowlad goboleed Galmudug, ayaa ganaax mid 700 boqol oo doolar ah ku riday 31 ruux oo si sharci daro uga kalluumeysanayay Biyaha xeebaha u dhaxeeya magaalooyinka Xarardheere iyo Hobyo.

Sidoo kale waxaa lagala wareegay doontii iyo qalabkii ay wateen, kalluumeysatadaan ayaa kasoo jeeda dalka Yemen.

Guud ahaan dadkaan la qabtay ayaa ka koobnaa 39 ruux hase ahaatee sideed ka mid ah ayaa ah Caruur sida ay ku dhawaaqday Maxkamaddu.

Ciidamada amniga xeebaha Hobyo iyo Xarardheere ee Galmudug, ayaa sedex cesho ka hor gacanta ku dhigay kadib Howlgalo isdaba joog ah oo ay ka wadeen xeebaha Galmudug gaar ahaa Degmada Hobyo iyo deegannada ku dhaw dhaw.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here