Xildhibaanadii laga joojiyay Kulamada Golaha Shacabka oo go’aano soo saaray

0
331

Kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdsho 15-kii Xildhibaan ee guddoomiyaha Golaha Shacabka uu sheegay in laga joojiyay ka qeyb-galka  5 kamid ah kulamada Golaha ayaa shaaciyay sida ay ka yeelayaan Go’aanka kasoo baxay guddoomiyaha.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaannada una hadlay ayaa sheegay in ay Go’aanada uu soo saaray golaha Shacabka ay yihiin sharci darro, isla markaana uusan xaq u laheyn in Xildhibaano uu ka hor-istaago ka qeyb-galka kulamada Golaha.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay soo gaartay farriinta loo soo diray Xildhibaannada Golaha Shacabka ayna tagayaan shirka Beri wixii dhibaato ahna ee soo gaara Xildhibaannada uu si Shaqsi ah mas’uul uga yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Qaar kamid ah xildhibaannada oo iyana dhankooda hadlay waxaa ay sheegeen in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu u adeegayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana dalka uu dhibato u horseedayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here