Maxa Kuso Kordhay Shirarka Muqdisho uga socda maamul goboleedyada Dalka

0
356

 

 

Sida ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah maamulada shirka ayaa maanta diiradda lagu saarayay xal u helida caqabadaha ku horgudban shirka guud ee Afisyooni iyo sidii horay loogu sii socon lahaa dalka u aadi lahaa doorasho heshiis lagu yahay, waxaa kaloo isla meel dhigeen shuruudaha qaar ee horay Puntland iyo Jubbaland ku xireen shirkaas sidii meesha looga saari, iyagoo berri u dhigtay ka doodista qodobka amniga ee shirka Afisyooni iyo in laga heshiiyo ajandaha shirka guud

Waxaa xusid mudan maanta in  Guddoomiyaha Aqalka Sare, xildhibaanada iyo siyaasiyiinta gobolada waqooyi ay shirka ka qeyb galeen iyadoo looga dhageystay tallooyin iyo arrinta muranka kuraasta doorashada xildhibaannada Somaliland oo ka mid aheyd saddexda caqabadooda ee ka taagnaa hirgelinta heshiiskii doorashada 17 September.

Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa mar kale shirkooda waxaa ku soo biiray Midowga Musharaxiinta, iyagoo ka wada hadlay arrimaha amniga doorashada, shakiga la xiriira kulanka Baarlamaanka iyo muddo kordhinta la hadal haayo.

Musharaxiinta ka hor inta aysan la kulmin Madaxweynayaasha shanta Dowlad Goboleed waxay la kulmeen Waliilka Midowga Afrika iyo Saraakiisha AMISOM , waxaana ay ka wada hadleen amniga doorashada iyo inay dhex dhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda oo aanay ku kadsoomin awaamiirta Madaxweyne muddo xileedkisa dhammaaday.

Saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa lagu waddaa in ay Caawa la kulmaan Madaxweynaha Mudo xileedkiiso dhamaaday iyo Raiisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here