Ciidamada kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen tuulooyin u dhow degaan ka janaale ee gobolka shabeelaha Hoose.
Saraakiisha howlgalka hogaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada ay ka warheleen in degaannadaas ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.
Howgalka ayaa sigaar ah waxaa ay Ciidamada uga fuliyeen tuulada buulo xaaji oo hoostagta degaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose, waxaana Ciidamada ay sameeyeen howlgallo baaritaano guri gir ah.
Mid kamid ah Saraakiisah Ciidamada DANAB ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in lagu guuleystay ujeedkii laga lahaa howlgalka, isla markaana Ciidamada ay dileen Madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo Magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Jiis iyo Xubno kale.
Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen in xilliga howlgalka ay ciidamada fulinayeen ay Al-Shabaab ku howlanaayeen fulinta weraro qorsheysan, hayeeshee ay Ciidamada ka hortageen.
Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska ayaa kordhiyay howlgalada qorsheeysan oo ay ka fulinayaan Gobolada Shabeellooyinka, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay uga gol leeyihiin in ay uga hortagaan weerarada Al-Shabaab.