Xoghayaha Dowlada Hoose ee Degmada Balcad oo fariin culus u diray Shacabka ku dhaqan Degmada Balcad

0
87

Xoghayaha Dowladda Hoose ee Maamulka Degmada Balcad Mudane Maxamed Mahdi Faroole Ayaa Bulshada Kudhaqan Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe iyo Deegaaanada Hoosyimada Ugu Baaqay In Si Aadag uga Taxadaraan Xiligan Adag Cudurka Safmarka Ah ee COVID 19 oo Soomaaliya Kusoo Laba kacleeyay Saameyn Ba’anna Kuhaya Bulshada Soomaliyeed.

Xoghayaha Dowladda Hoose ee maamulka Degmada Balcad Ayaa Sidookale Bulshada Reer Balcad Faray in Ay Kashaqeeyaan Marwalba Nadaafadda Leyskana Dhaqaajiyo Qashinka Si gaar ah Ayuu Xoghayuhu Ugu Baaqay Ganaacsatada Kashaqeysata Kawaanka Hilibka iyo Kuwa Kale ee Ufuran Goobaha Ganaacsi In ay Qashinka Geeyaan Meelaha Kabaxsan Magaalada ee uu Maamulka Degmada Balcad ugutalagalay In Lageeyo Qashinka.

Daraawalada Kaxeeya Gawaariwada Waaweyn ee Xamuulka Qaada Kana Shaqeysta Degmada Sida Cagafyada iyo Kuwa Kale ee Waaweyn In Aysan Kadagan Laamiga oo Aysan Aadin Xaafadaha Madaama Fooda Lagelinayo Xilliga Roobabka Guga Saameyna Ay Kuyeelaneyso Caafimadka Bulshada

Ugu Dambeyn Xoghayaha Dowladda Hoose ee Maamulka Degmada Balcad Maxamed Mahdi Faroole Ayaa Qeybaha Kaladuban Shacabka Faray in Ay Kafogaadaan Wax Waliba ee Fududeyn Kara Isu gudbinta Cudurkan Sida Fudud Kufafa Sida Isku Dhawaanshaha iyo Waxyaabaha Kale ee Cudurkan La isugu qaadsiin karo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here