Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Xil gaarsiinta ayaa goor dhow Muqdisho keenay Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubbaland oo dowladda Soomaaliya heshiis la gaaray xilli hore loogu eedeeyay dambiyo ka dhan ah binaadanimada.
Wasiir Janan oo dhawaan xilka laga qaaday ayaa lagu waddo in uu la kulmo Madaxweyne Farmaajo.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu mari doono hanaann la doonaayo in looga saaro eedeymaha kala duwan ee loo heysto.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Janan oo tiir muhiim ah u ahaa nabad gobolka Gedo horayna waxaa loogu eedeeyay in uu wada shaqeyn la leeyihiin dowladda Kenya.