Ururka Jaamacadda Carabta oo War kasoo saaray khilaafka doorashada Soomaaliya

0
305

Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta, Axmed Abu Kheyd ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS, Maxamed C/risaaq Maxamuud oo maalmahan booqasho rasmi ah ku jooga magaalladda Qaahira.

Kulankaas waxa uu Axmed Abu Kheyd ugu baaqay qeybaha kala duwan ee Saamilayda Siyaasadda Somalia  inay sii wadaan Wada-xaajoodyada wax-ku-oolka ah, si loo  gaaro Is-afgarad lagu xoojinayo Midnimadda Qaranka.

Waxa kale oo uu soo hadal-qaaday Taageeradda Ururka Jamaacadda Carabta la garab taagan yihiin Somalia, wuxuuna carrabka ku adkeeyey sida uu Ururka Jamaacadda Carabta uga go’an tahay Taageeradda dadaallada loogu jiro  Deganaanshaha iyo Horumarka Somalia, Dib-u-dhiska Hay’adaha DFS, Dhaqaalaha iyo Dayn-cafinta Lacagaha ay Dowladaha Carabta iyo kuwa Caalamka ku leeyihiin Somalia.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia waxay kaloo ka wada hadleen Xaalladihii ugu dambeeyey ee Somalia, gaar ahaan dadaallada DFS ee dhinacyada Soo-celinta Nabadda, Deganaanshaha iyo Hiigsiga Horumarka.

Ilo rasmi ah oo ka tirsan Xoghaynta Ururka Jaamacadda Carabta ayaa tilmaamay in Kulankaasi looga xaajooday  Doorka Ururka Jaamacadda Crabta ka qaadan karaan Taageeradda Hay’adaha DFS, si ay uga gudbaan Caqabadaha soo food-saaray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here